Home Somalisch Informatie over deelnemende organisaties

URURADA KA QEYBQAADANAYA

Gave

Gave Foundation waa urur ka shaqeeya qaxootiga iyo magangalyo doonka Netherlands. Gave waxay jeclaan lahayd in qaxootiga yimaada wadankeena ladareemo ayna helaan jaceyl.

Gave waxay caawisaa arintan iyadoo sameysa in Kiristiyaanku soo dhaweeyaan dadka ‘‘anaajibta ah’’. Gave waxay dhiiri galisaa, tababartaa oo taageertaa mutadawiciinta si ay udhisaan iskuxidhnaan magangalyo doonka ayna utusaan jaceyl.

La xidhiidhista magangalyo doonka iyo mutadawiciinta, waxaan badanaa maqalnaa xoriyada diinta ee Netherlands in aaney fiicneyn. Waxaanu sidoo kale maqalnaa in rabitaanka soo sheegista takoorka ama rabshadaha diintu yar tahay. Tani ayaa dhibka sii kordhisa oo dhibanayaashuna mahelaan taageerada ay ubaahanyihiin. Gave waxay rabtaa inay u isticmaasho laynkan in ay dhibka xaliso oo ay sheegto xoriyadahaasi iyo xuquuqahaasi Netherlands dhexdeeda.

Open doors

Open Doors waxay taageertaa Kiristiyaanka soo qaxay. waxaa walaaca ah in fiditaanka walaacyada uu kusii fidaayo Netherlands dhexdeeda, tusaale ahaan kiristiyaanka kujiro xarumaha magangalyo doonka ayaa dhibaatooyin wajahaya sababo caqiido.

Open Doors waxay u shaqeysaa iyadoo loo eegayo Liiska kala sareynta wadamada dilalka Kiristiyaanka, ma bixino wax caawimo ah Netherlands dhexdeeda. Gave Foundation ayaa qabata shaqada oo khibradana halkan u leh, taasi oo ah sababta aan u taageerno.

Open Doors Nederland waxay ku faraxsan tahay in uu jiri doono khadkan, Waxaa muhiim inoo ah in dadka loo takooray ama loo dulmiyey caqiidadooda darteed ay taageero heli karaan meelkasta oo ay adkuunka ka joogaan.

SDOK

SDOK waxay aaminsan tahay midnimada. Waa gole xubnihiisu ay wada shaqeeyaan oo ay wadaagaan badhtan. SDOK waxay u taagan tahay oo ay ka shaqeysaa caawinta Kirsitiyaanka iyo dhiirigalintooda (gaar ahaan kala isbadalka) waxaanay ka hogaamisaa badanaa deegaanka iyo qoysaska kuwaasi oo iyaga laftoodu u arka arin sax ah. Netherlands dhexdeeda, waxay tani hada u janjeedhaa dhanka dadka leh taariikhda socdaalka.

SDOK Waxay aamisan tahay masuuliyada ay u isticmaalayso khibradeeda, shabakadeeda iyo awoodeeda in ay hubiso in Kiristiyaanku wajahaan dilal.

Dhaqan ahaan, tani macneheedu waa:

  • SDOK waxay taageertaa Kiristiyaanka Netherlands dhexdooda iney laqabsadaan una caawiso taageero ahaan.
  • SDOK waxay fududeysaa su’aalaha ama ka mid noqoshaha bulshada maxaliga ah waxayna heshaa caawimo dhaqaale. Ugu yaraan bulshada maxaliga ah dhexdeeda.
  • SDOK waxay ka qeybqaadataa fahanka cabirka dilalka ee Netherlands waxayna ogeysiisaa arintan siyaasiyiinta iyo warbaahinta ururada laxiriira wax kaqabashadeeda.
Artboard facebook google+ instagram linkedin maps pinterest twitter vimeo youtube world