Miyaad leedahay taariikh socdaal oo ma lagu khatar galiyey, lagu cabsi galiyey ama lagugu takoorey xarunta magangalyo doonka ama meelaha kale ee Netherlands? Haday sidaas tahay, waxaad ka gudbin kartaa warbixin laaynkan.
Waxaan kuu weydiineynaa inaad noo dhaaftid lambarka tilifoonkaaga ama ciwaanka iimaylkaaga si aan kuula soo xidhiidhi karno oo aan kuu weydiin karno sharaxaad kooban oo xaalada ku saabsan. Waxaan ugu talo galnay inaan kula soo xidhiidhno 4 maalmo oo shaqo jirto gudohood si aan kaaga wareysano warbixintaada.
Waxaad sidoo kale gudbin kartaa warbixin adoo qof kale matalaya. Hadii aad leedahay saaxiib/cid aad garaneysid oo waajahaya dhibaatooyin, waxaad sidoo kale ku gudbin kartaa warbixin halkan. Fadlan kala hadal arintan dhibanaha marka hore.
Fadlan ku buuxi foomka Dutch ama Ingiriisi.
Asturnaanta iyo Sirta
Xogta aad ku qortid foomkan waa la qarin doonaa. Macluumaadka shakhsiyadeed ee aad ku bixisay foomkan kaliya waxaa loo isticmaali doonaa in lagu diwaangaliyo warbixinta oona lagugula soo xidhiidho arimaha khuseeya warbixinta hadii ay daruuri noqoto. Wax badan oo ku saabsan arintan waxaa kaheli kartaa bayaankayaga asturnaanta.