Sababma ayaad u gudbinaysaa warbixinta?
Dad badan oo Dutch ah ayaan ka warhayn in Kiristiyaanka dhaqamada kale ay wajahaan takoor iyo khataro sababo diimeed awgeed. Kiristiyaanka, badanaa way ku adagtahayba, Buuxinta warbixintan xaaladaada, waxaanu sameynaynaa wacyi galinta xaaladan.
Waxaanu mar horeba helnaa warbixino dhacdooyin, sida cabsi galin iyo rabashadaha muuqda ee Kiristiyaanka, kuwaasi oo ah dhibanayaal ku jira xarumaha magangalyo doonka iyo meelo kale (sida dugsiyada luuqadaha ama degmooyinkooda). Booliiska ama COA midna ma diwaan galiyo in dhacdooyinkani la xidhiidhaan diinta dhibanaha. Taas darteed, waxaa jira macluumaad la’aan tilmaamaya xadiga iyo khatar ahaanshaha dhibkani ee Netherlands. Marki dhacdo ay dhacdo, waxaanu jeclaan lahayn inaanu helno warbixinta arintan. Tani waxay awood noo siinaysaa inaan diyaarino diirada iyo khatarta dhibka oo aan ku dhiiri galino dawlada in ay qaado tallaabo ku filan.
Hadii aad kuwajahdid dhibaatooyin xarumaha magangalyo doonka, waxaa muhiim ah inaad usoo gudbisid warbixin COA sidoo kale. Miyaad u gudbisay warbixin COA maxaliga, oodna kuqanacsaneyn jawaab celinta? Ama miyaad ka baqaysaa inaad u gudbisid COA? Markaad buuxisid foomkan, waxaanu isku dayi doonaa inaan xal u helno si wadajir ah.
Maxaanu ku sameynaa warbixintaada?
Marka dhacdo lasoo sheego, ururada ka danbeeya laaynkani, gaar ahaan Gave Foundation iyo Ordegrondset Kerk Foundation (SDOK), waxay go’aansan doonaan wada tashi wadajir ah tallaabooyin xiga oo noocee ah ayaa la qaadayaa.
Marka warbixin lasoo gudbiyo, waxaanu ku dadaalnaa inaan la xidhiidhnno ogeysiiyaha 4 maalmo lashaqeeyo gudohood. Intaas kadib, iyadoo lala tashanayo ogeysiiyaha, iyo haday suurto gal tahay, waxaanu la xidhiidhnaa dhinacyada kale ee ay taabaneyso si aan u maqalno arinta. Iyadoo tan ku saleysan, waxaanu eegi doonaa go’aaminna doonaa talaabooyin xiga oo nocee ah ayaa darruuri iyo suurto gal ah si loo hormariyo ama loo xaliyo xaaladda. Waxaan sidoo kale la gali karnaa dood shakhsiyo gaar ah si aan u sameyno wacyi galinta taariikhda dhibka gacanta kujira.
Qeyb ahaan xalinta warbixinta, waxaanu sidoo kale baadheynaa dhibanaha hadii ay tahay caawimo in loogu yeedho. Ujeedadani, waxaanu isticmaalnaa shabakadayada caawinta ee deeganka dhibanaha si loo bixiyo taageero daruuriya.
Waxaa muhiim ah in adiga laftaadu aad sheegtid sida xaaladu kuugu xun tahay, Had iyo jeer way adag tahay in xal horey laga helo. Xaaladaha khatarta ah, waxaanu ku talinaa inaad wacdid booliiska.
Waxaa sidoo kale muhiim ah inaad ogaatid in xogta shakhsiyadeed ee nalagu siiyo warbixinta la asturi doono. Xogtani kaliya waxaa loo isticmaali doonaa diwaangalinta warbixinta iyo la xidhiidhidaada haday daruuri tahay, taasoo laxidhiidha warbixintaada. Xogta foomka kaliya waxaa heli kara Gave, Open Doors iyo SDOK lalamana wadaago cid kale. Tani sidoo kale waa sababta laguu weydiiyey inaad dhameystirtid foomka, kaasi oo lagu bixiyo dhowr luuqadood, Dutch ama English. Habkani, uma baahnin inaan wacno shakhsiyo saddexaad si ay u bixiyaan turjumaad.