Home Somalisch Informatie over rechten en vrijheden in Nederland

XUQUUQAHA IYO XORIYADAHA NETHERLANDS

Marka Netherlands la joogo, waxaanu xaq u leenahay xoriyadaha diinta iyo caqiidaada. Tani macneheedu waa, waxyaabaha kale oo dhan, in qof walbaaba xor u yahay inuu sameeyo caqiidadiisa. Netherlands dhexdeeda, waxaan u aragnaa xoriyadan mid aad muhiim u ah taasi oo lagu cadeeyey dastuurka Netherlands (Qeybta 6).

Xoriyadani kaliya kama dhigna inaad xor u tahay inaad  sameysid caqiidadaada, lakiin sidoo kale inaad xor u tahay caqiidaadada. Wadamada qaar, kaliya hal diin ayaa la aqbalaa. Si kastaba ha ahaatee, Netherlands dhexdeeda xor ayaad u tahay dookhaaga. Xoriyadani waxa bixiyey Qeybta 1 ee dastuurka Netherlands kaas oo leh: “Dhamaan dadka Netherlands waxaa loola dhaqmayaa si isku mid ah xaalado isku mid ah. Takoorka ku saleysan diinta, caqiidada, aragtida siyaasadeed, asalka ama jinsiga ama wax kale lama ogolaanayo.” Sidaasi darteed, waxaad si xor u xajisan kartaa caqiidadaada lagugumana takoori karo sababo caqiidadaada gaarka ah. Hadii lagu khatar galiyo, tani waa arin ciqaab lagu mutaysan karo.

Xoriyada Diinta ee xarunta magangalyo doonka

Markaad kasoo qaxdid wadan Muslim ah adoo kiristiyaan ah, waxaa laguu ogol yahay inaad ku dhaqantid diintaada Netherlands dhexdeeda. Xoriyadani waxay khuseysaa dhamaan Netherlands, oo ay ku jiraan kuwa xarunta magangalyo doonka. Xoriyadan lagaama qaadi karo. Markaad soo qaxdid, si xor ah ayaad ugu dhaqmeysaa caqiidadaada, sidoo kale xarunta magangalyo doonka. Sidaasi darteed, laguuma hanjabi karo sababo caqiido awgeed ama akhtiyaarkaaga. Xoriyadani waxaa leh qof walba oo Netherlands jooga, oo ay ku jiraan magangalyo doonku. Qof walba oo Netherlands joogaa waa inuu ka aqbalaa xoriyadan kuwa kale.

Isdhexgalka

Mararka qaar waxaan helnaa fariimo takoor iyo/ama xadgudub Kiristiyaan inta lagu jiro casharada is dhexgalka. Tani aad ayaan oga taxadarnaa, sababtoo ah waa in ay qof walba u cadaataa in arintani aan lagu aqbali karin Netherlands dhexdeeda, gaar ahaan dhanka is dhexgalka. Had iyo jeeraale dhacdadani way ku adag tahay hogaamiyaasha maxaa yeelay takoorka ama cabsida waxaa lagu sheegaa luuqad shisheeye. Sidaas darteed, hadii aad xaaladani waajahaysid, waxaanu jeclaan lahayn inaan ogaano. Lama aqabli karo oo kaliya, lakiin sidoo kale wacyi galin ayaanu ka dhex sameynaynaa shaqaalaha oo kusaabsan halka dadku ka yimaadeen, luuqada ay wataan, iyo sida uu u saameeyo kala duwanaanshaha dhaqanka.

Artboard facebook google+ instagram linkedin maps pinterest twitter vimeo youtube world